DEG DEG: Deni oo kulan fool ka fool ah la leh Agaasimihii PSF Maxamuud Diyaano

DEG DEG: Deni oo kulan fool ka fool ah la leh Agaasimihii PSF Maxamuud Diyaano

daajis.com:-Wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo qaban qaabada isku keenida Hogaanka PSF iyo Dawlada Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimaha PFS [Deni hore xilka kaga qaaday] Maxamuud Cusmaan Diyaano ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan kulankoodii u horreeyey tan iyo dagaalkii ka dhashay xilka qaadista Agaasimahaas.

Kulankan ayaa sida la qorsheeyey ka dhacaya madaxtooyada Boosaaso, waana mid ay albaabadu u xidhan yihiin.

Ciidamo katirsan kuwa PSF iyo kuwa Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaana amniga sugaya,iyadoo kalsooni la abuuray awgeed kulanka uu udhacayo.

Is-aragga labada dhinac ayaa kamid ahaa waxyaabihii ay isku afgarteen Madaxweynaha iyo Isimada dhaqanka Puntland maalmo ka hor.




Deni iyo Diyaano ayaana la fialyaa inay ka heshiiyaan dagaalkii soo kala dhex galay ee xitaa mar Boosaaso in hub culus la isku adeegsado gaartay khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedna ka dhashay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada