Ciidamo si gaar ah dalka dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho kusoo laabtay (Sawirro)

Ciidamo si gaar ah dalka dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho kusoo laabtay (Sawirro)

daajis.com:- Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga ,taa oo waday ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa ciidamada Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ciidamada Gorgor ee dalka dib ugu soo laabtay.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo ka hadlay munaasabada soo dhaweynta ayaa uga mahadceliyay Turkiga tababar ay siiyeen ciidamada Gorgor , waxa ayna ciidamada kula dardaarmeen in ay kasoo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.


Dowladda Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan xerada Turkisom iyo dalkeedaba ku tababarta ciidamo katirsan milatariga iyo Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gorgor iyo Haramcad.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada