Magaalada Xudur: Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan

Magaalada Xudur: Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerar xalay uga yimid maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo weerareen saldhig ay ciidmaada dalwaddu ku leeyihiin dhinaca galbeed ee magaalada Xudur wax yar ka dib saqdii dhexe.

Saddex ka tirsna maydka maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu arkay goobta dagaalku ka dhacay, hase yeeshee mas’uulyiinta amniga ee dalwdada waxay dhimashada maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarkaas gaarsiinayaan ilaa toddoba.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sidoo kale sheegay in saddex qori ay ciidamada ku qabsadeen dagaalkaasi.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada