Dil ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadiisa

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadiisa

daajis.com:-Qof rayid ah ayaa lagu diley xaafada Carafaad ee degmada yaaqshiid magaalada Muqdisho kadib markii koox bastoolado ku hubeysan ay weerareen xilli uu marayay meel ku dhow gurigiisa.

War ka soo baxay Alshabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada dilka qofka rayidka ah oo ay ku tilmaameen inuu kamid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanadda cusub ee Golaha Shacabka gaar ahaan Xildhibaanada Gobollada Waqooyi-Somaliland.

Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen in qofka ay dileen la oran jirey Xuseen Ciidgale ayna sidoo kale dili doonaan ergada soo dooratay xildhibaanada cusub ee golaha shacabka.

Dagaalmayaasha Al-shabaab ayaa hore uga digay Ergada iyo Odayaasha wax dooranayo iyagoo sheegay in ay bartilmaameedsan doonaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada