Isreal oo markii ugu horaysay Nin Muslim ah xil sare u magacaawday

Isreal oo markii ugu horaysay Nin Muslim ah xil sare u magacaawday

daajis.com:- Khaled Kabub ayaa loo magacaabay xaakimkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo kursi joogto ah ka yeesha Maxkamadda Sare ee dalka Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxkamadda.

In ka badan 20% muwaadiniinta Israa’iil waa Carab, waxaana jiray sharci-yaqaano Carbeed oo ka tirsan maxkamadda sare tan iyo 2003-dii, laakiin dhammaan dadkii hore ee la magacaabay waxay ahaayeen Masiixiyiin.

Kabub, oo 63 jir ah, ayaa noqdat Muslimkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu magacaabo maxkamadda qaranka Israel halkaas oo Carabta, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, ay intooda badan ka cawdaan in ay faquuq la kulmaan.

Kabub oo markiisii hore garsoore ka ahaa maxkamadda degmada Tel Aviv, ayaa wuxuu ka mid noqday afar garsoore oo cusub oo ay magacaabeen guddi ka kooban garsoorayaal ka tirsan maxkamadda sare, wasiirro, sharci-yaqaanno iyo qareenno,

Maxkamadda Sare ee Israa’iil waxay si joogto ah u dhegaysataa kiisas taabanaya meelaha ay isku hayaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan xadgudubyada lagu eedeeyay ciidammada Israel ee joogaa Daanta Galbeed ee la haysto.

Ninkaan ayaa wuxuu ku dhashay Magaalada Jaffa wuxuuna kasoo baxay Jamaacadda Tel Aviv University halkaas oo uu ka bartay Taariikhda iyo Islaamka.


Qofka kale ee kaliya ee Muslim ah oo Maxkamadda Sare ee Israel kamid noqdo wuxuu ahaa Abdel Rahman Zoabi kaasoo shaqo kumeel gaar ah oo Hal Sano ah la siiyey sanadkii 1999.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada