Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amray in gurmad la gaarsiiyo dadka abaarta saameysay

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amray in gurmad la gaarsiiyo dadka abaarta saameysay

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga shaqeeyaan amniga iyo xasilinta 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada