Madaxweynaha Jubbaland oo Hay’adda IOM kala hadlay waxka qabashada Abaaraha

Madaxweynaha Jubbaland oo Hay’adda IOM kala hadlay waxka qabashada Abaaraha

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah Socdaalka IOM Maxamed Abdikheyr waxaana wehlinayey Wakiilka Hay’ada IOM u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa wafdiga Hay’ada IOM kala hadlay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee loo baahanyahay in Hay’ada ay ka qabato deegaanada Jubbaland, iyadoo ay muhiimada koobaad la saarayo sidii deg deg looga jawaabi lahaa arimaha abaaraha ee ka jira deegaanka, dadka xiligan la ildaran abaartana loo gaarsiin lahaa biyo, cuno, agabyada lagu dhisto hoyga iyo adeegyada caafimadka oo aasaasi u ah nolasha aadanaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Hay’ada IOM sidii xal loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, dadkana loogu abuuri lahaa fursado ay ku hormariyaan nolashooda.

Ugu dambeeyntii Jubaland iyo Hay’ada IOM ayaa kawada hadlay sidii loo adkeeyn lahaa iskaashiga labada dhinac iyo mashaariicyada kale ee laga fuliyo deegaanada Jubaland.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada