Madaxweynaha Jubbaland oo Saraakiil Itoobiyaan ah kala hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo Saraakiil Itoobiyaan ah kala hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

daajis.com:- War kasoo baxay Taliska ciidamada Federaalka  Itoobiya ayaa sheegay in ay maamulka Jubbaland kawada hadleen xaaladda amni ee xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Taliyeyaasha Qeybta 3-aad iyo 6-aad ee ciiddanka difaaca Itoobiya, Taliyaha Guutada 5-aad ee ciiddanka lugta iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan taariikh, dhaqan iyo af.

“Al-Shabaab waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay u wiiqi lahayd midnimada iyo walaalnimada labada waddan. Sidaa darteed waa in aan iska kaashanaa in aan gacanta ku dhigno ilaa Doolo” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Sida uu sheegay Taliyaha Qeybta 3-aad ee ciiddanka difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Ababaw Seid in si looga hortago khatarta Al-Shabaab ay lagama maarmaan tahay in si dhow loola shaqeeyo dowladda, ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.


Korneyl Assefa Mekonnen oo ah taliyaha guud ee guutada 5-aad ee ciiddanka lugta dalka Itoobiya, ayaa sheegay Al-shabaab inay u maleegayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta Jubbaland iyo Soomaali Galbeed.



Soomaaliya ayaa meelo kamid ah waxaa ku sugan Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya, kuwas oo ku howlgalla Magaca howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo dagaal kula Ururka Al-Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada