Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

daajis.com:- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jabuuti,  Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha ah.

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Wefdiga Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.


Dhinaca Jabbuuti waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, M Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada