Ciidamada Dowladda oo degaano la wareegay

Ciidamada Dowladda oo degaano la wareegay

daajis.com:- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano u dhow Janaale oo hoostaga Magaalada Marka.

Degaannada ay howlgalka Ciidamada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah degaannada Buulo Arundi, Malable, Siigaale, Busley, Daa’uud iyo Beeraha-Baay halkaas oo la sheegay inay iaaga baxeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Degaannada Al-Shabaab lagala wareegay ayaa waxaa ku sugnaa qoysas kasoo barakacay degaano kale oo ka tirsan Gobolada Koonfur Galbeed oo ay abaar baahsan ka dhacday.

 


“Ciidanka Qaranku waxay burburiyeen xarumo ay ku jirtay maxkamaddii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo gurmad u fidiyey dad tabaaleysan oo dalagii uga baxaayey beerahooda ay argagixisadu ka baaday, qaarna ka gubtay.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October Cali Mahdi Beerdiide, sidoo kale gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Janaale ayaa qeyb ka ahaa hoggaaminta howlgalladaan ballaaran.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada