Qarax lala eegtay kolonyo galbineysay Madaxweynaha Puntland

Qarax lala eegtay kolonyo galbineysay Madaxweynaha Puntland

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo maraya kontaroolka laga galo magaalada Boosaso.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inaysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxan balse ay wax ku noqdeen qaar ka mid ah ciidamadii galbineysay wafdigiisa.

Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen qaraxa goor dhoweyd lala eegtay wefdiga Madaxweyne Siciid Deni oo maanta tegay Boosaaso.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Deni qarax lagu weeraro, waxaana arrintaas ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amniga ay sii xumaanayso.


Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada