Doorashada lix kamid kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Beledweyne

Doorashada lix kamid kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Beledweyne

daajis.com:- Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ah degaan doorashada labaad ee Hir-Shabeelle ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kursigii ugu horreeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu noqday kursigii uu ku fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir ee Hop#086 kaas oo uu ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA ahna la taliyaha dhinaca amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kursiga Hop#086 ayaa waxaa ku tartamay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo helay 70 Cod halka musharixii la tartamayay ee Janeraal Axmed Dayib Axmed uu helay  24 Cod.

Kursiga labaad ee Hop#015 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka Xiis Xasan Aadan oo kursigaan horay ugu fadhisay kadib markii ay u tanaasushay Maryan Xasan Cabdi oo la tartami laheyd, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Xiis Xasan Aadan ay heshay 92 Cod, waxaana diiday 5 Cod.

Kursiga Saddexaad ee Hop#008 oo uu horay ugu fadhiyay Dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Deeq Barre Cumar ( Fiyoore) oo kamid ah Bahda Warbaahinta Muqdisho kadib markii uu u tanaasulay musharrax Xildhibaan Ibraahim Axmed Inji, waxaana cod gacan taag ah oo loo qaaday uu helay Maxamed Deeq Barre Cumar ( Fiyoore) 89 Cod, waxaana diisau laba qof.

Kursiga Afaraad ee Hop#274 ayaa waxaa markale ku guuleystay Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Fardowso Xasan Ismaaciil, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay uu helay 78 Cod halka 7 qof ama Ergo ay diideen.

Kursiga Shanaad ee HOP#109 ayaa waxaa markale ku guuleystay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xidlhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud kadib markii ay u tanaasushay Marwo Xamdi Maxamed Muuse, waxaana cod gacan taag

Kursiga lixaad ee ugu dambeeyay doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Hop#074 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Colaad Rooble oo meesha laga saaray ayaa waxaa ku guuleystay Cabdikariim Cumar Xuseen kadib markii uu tanaasulay Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed oo Bahda Saxaafadda kamid ah.

Cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Cabdikariim Cumar Xuseen ayuu helay 98 Cod, waxaana sidaasi uga mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle.


Maamulka Hir-Shabeelle ayaa noqday Maamulka labaad ee bilaaba degaan doorashada labaad, waxaana ka horeeyay Maamulka Koonfur Galbeed soo oo geba-gabeeyay kuraastii taallay degaan doorashada labaad oo aheyd degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada