Itoobiya oo bilowday in ay koronto ka dhaliso biyo-xireenka Webiga Nile

Itoobiya oo bilowday in ay koronto ka dhaliso biyo-xireenka Webiga Nile

daajis.com:- Itoobiya ayaa bilowday inay koronto ka dhaliso biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee laga dhisayo webiga Nile, waxaana subaxnimadii hore ee saaka mashruucan xarigga ka jiray Ra'isul Wasaaraha Itobiya Abiy Axmed.

"Wixii hadda ka dambeeya ma jiraan wax Itoobiya joojinaya," ayuu yiri Abiy.

Biyo-xireenku ayaa noqonaya kii ugu weynaa qaaradda Afrika marka la dhammeystiro. "Waxaan hadda bilownay in aan koronto dhalinno, laakiin taas macnaheedu maaha in mashruucu dhammaaday," ayuu yiri Kifle Horo, oo ah maamulaha mashruuca biyo-xireenka, isaga oo intaas raaciyay in dhameystirkiisa ay qaadan doonto laba sano iyo bar ilaa saddex sano.


Biyo-xireenkan oo leh awood uu ku dhalin karo koronto dhan 6,500 oo megawatts ah, ayaa waxa uu ahaa mid ay ka dhalatay xiisad ka dhex aloosan Itoobiya iyo dalalka kale ee webiga la isticmaala, ee Sudan iyo Masar.

Itoobiya ayaa biyo-xireenkan dhaamisay laba jeer oo hore, balse xawliga lagu shubayo iyo xaddiga biyaha ee la sii dayn doono xilliyada abaarta ayaa ah mid aan xal loo helin.

Masar ayaa ka cabsi qabta in haddii biyo-xireenkan si degdega ah loo buuxiyo ay hoos u dhigi doonto saamiga ay ku leedahay biyaha Webiga, waxayna raadineysaa heshiis sharci oo adag haddii uu khilaaf yimaado, hase yeeshee Ra'isul Wasaare Abiy ayaa sheegay in biyo-xireenkan ay ka faa’ideysan doonaan Masar iyo Suudaan.


Itoobiya ayaa ku doodeysa in biyo-xireenka oo ku kacaya $4.2 bilyan uu muhiim u yahay horumarkeeda, kaas oo awood u siin doona inay koronto u qaybiso dadkeeda oo ka badan 110 milyan.

AP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada