Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shakhsiyaad lagu eedeeyay dib u dhaca doorashada Soomaaliya

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shakhsiyaad lagu eedeeyay dib u dhaca doorashada Soomaaliya

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay "waxyeelleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda" Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.

"Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah," ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.


Kooxda Al-Shabaab, oo inta badan weeraro iyo qaraxyo ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashadan, waxaana bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar is-miidaamin ah lala beegsaday bas ay saarnaayeen ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho, inkasta oo ergadia wax dhaawac ah aau soo gaarin.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada