Maxamed Ibraahim Macalimuu oo loo doortay xildhibaan federaal

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo loo doortay xildhibaan federaal

daajis.com:- Afhayeenka Xuukumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Moalimuu ayaa maanta magaalada Beledweyne loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya, kadib markii uu kusoo baxay doorashada kurigai HOP068.

Moalimuu oo kasoo kabanaya dhaawacyo dhawaan kasoo gaaray qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ansixiyay ergada doorashada kursigaas, kaddib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayay.

Moalimuu oo shan goor ka badbaaday weeraro iyo qaraxyo ay fuliyeen maleeshiyada Al-shabaab ayaa kahor inta aanu noqon afhayeenka Xukuumada wuxuu ahaa hoggaamiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka ee FESOJ. Wuxuu sidoo kale muddo dheer ahaa suxufi ka tirsan Idaacadda BBC.


Doorashada maanta ee kuraasta Beledweyne ayaa weli socota. Wixii kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada