DEG DEG: Turkiga oo qaaday talaabo dhabarjab ku ah Milateriga Ruushka ee ku duulay Ukrine

DEG DEG: Turkiga oo qaaday talaabo dhabarjab ku ah Milateriga Ruushka ee ku duulay Ukrine

daajis.com:-Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan,ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhigiisa Ukraine Vladamir Salaneski isagoo codsaday in xaalada wada hadal lagu dhameeyo xabadana la joojiyo.

Madaxweyne Salaneski,waxa lagu arkay galabta isagoo dhex socda qaar ka mid ah waddooyinka Caasimada Kiev shaacana ka dhigay in aysan is dhiibi doonin.

Dhinaca kale xaalad cakiran ayaa ka jirta Ukraine oo weli duqeymo diyaaradeed iyo gantaalo qalab iyo gaadiid laga soo ridayo ah waxay ku dhacayaan Dalkaasi.

Maraakiibta ruushka oo isku dayey inay dhinaca badda madoow ka weeraraan waddanka Ukraine ayaa la hor istaagay.

Turkiga ayaa xirtay badda madow iyadoo tallaabadaas uu soo dhaweeyey Madaxweyne Salaneski oo ku tilmaamay mid ay Turkigu ugu hiiliyey dalkiisa.


Dhimashada guud 148 ayey ka badan tahay dhaawacana tiro rasmi ah lama sheegin tan iyo inta uu bilowday duulaanka ruushka ku qaaday Ukraine Labo cisho ka hor.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada