Midowga Afrika oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo dhexmarta Ruushka iyo Ukraine

Midowga Afrika oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo dhexmarta Ruushka iyo Ukraine

daajis.com:- Midowga Afrika ayaa ku booriyay Ruushka iyo Ukraine inay sameeyaan xabbad joojin degdeg ah oo ay furaan wada xaajoodyo siyaasadeed oo aan dib u dhac ku iman, iyadoo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay, si caalamka looga ilaaliyo cawaaqibka ka dhalan kara dagaalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Madaxweyne Macky Sall iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxay labada hoggaamiye ku baaqeen xabbad joojin iyagoo xusay inay dani ugu jirto nabadda iyo xasilloonida xiriirka caalamiga ah iyadoo loo adeegayo dhammaan shucuubta aduunka.

Guddoomiyaha hadda ee Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, waxay muujinayaan sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda aadka u daran ee khatarta ah ee ka jirta Ukraine,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed oo ay soo saareen guddiga Midowga Afrika.

Madaxweyne Sall, iyo Mahamat, ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan xaalad ay ku tilmaameen mid aad u daran oo khatar ah oo laga abuuray Ukraine.


AU waxay ku boorisay ruusha in uu ixtiraamo sharciga  caalamiga ah , islamarkaana uu ogaado in ay  lama huraan tahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah, madaxbanaanida dhuleed iyo madax banaanida qaranka Ukraine.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada