Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay wadahadda Xukuumadda Itoobiya & TPLF

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay wadahadda Xukuumadda Itoobiya & TPLF

daajis.com:- Qaramada Midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay iney mira dhalaan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallaagada TPLF oo muddo ka badan sanad ku dagaallamayey waqooyiga dalkaasi.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay iney wadahadallada labada dhinac u socda ay meel wanaagsan marayaan.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Aamina Maxamed waxay booqasho ku soo martay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen.

Amina oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa waxay sheetay marka loo eego dagaalkii waqooyiga Itoobiya ka socda mudda ka badan sanad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo yaryar oo meelaha qarkood ka dhaca.

“Haadda xaalku meel fiican ayu marayaa, wadahadallada socdaana si wanaagsan ayey u socdaan weyna sii socon doonaan,” ayey tiri.

Aamina inta ay booqashada ku mareysay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay madaxda deegaannadaasi waxay ugu baaqday iney colaadda joojiyaan oo miiska wadahadalka ay u soo noqdaan.


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterez wuxuu maalmo ka hor sheegay dhinacyadii ka qayb qaatay dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday ku dhawaad 15 bilood rabitaanka nabadda ee ay dhawaan muujiyeen inuu soo dhaweynayo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada