Ruushka oo dhoolatus militari ka bilaabay dalka Belarus

Ruushka oo dhoolatus militari ka bilaabay dalka Belarus

daajis.com:- Ruushka ayaa 10 maalmood oo dhoolatus militari ah ka bilaabay dalka Belarus khamiistii, wuxuuna lix ka mid ah maraakiibtiisa kusoo xiray deked istaraatiiji ah oo ku taal Badda Madow, taas oo uu dhaleeceyn kulul kala kulmay saraakiisha Ukraine oo ku sifeeyay ficillada Moscow inay sii kordhinayaan xiisadaha gobolka.

Dhaqdhaqaaqa Ruushka ee Belarus ayay ka qaybqaatay kumannaan ciidamo ah iyo hub casri ah sida gantaalada S-400, kuwa difaaca hawada ee Pantsir system-ka iyo diyaaradaha dagaalka ee Su-35.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lix markab ay gaareen dekedda Sevastopol ee gobolka Crimea, taas oo Moscow ay ka qabsatay Ukraine sannadkii 2014-kii. Maraakiibta Ruushka ayaa dejinaya ciidamada, gaadiidka iyo agabka kale.


Saraakiisha Moscow iyo Minsk ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay soo gabagabeyn doonaan dhoollatuska, ayna ka bixi doonaan Belarus kadib 20-ka February. Laakiin saraakiisha reer galbeedka ayaa weli ka baqaya in Ruushka oo duulaan ku ah Ukraine uu kusoo dhawaado isaga oo wata 100,0000 oo ciidan ah dal ay mar wada ahaayeen midowga Soviet.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada