Taliska Booliska Magaalada Jowhar oo ka hadlay qaraxa dadka ku dhinteen

Taliska Booliska Magaalada Jowhar oo ka hadlay qaraxa dadka ku dhinteen

daajis.com:- Barqanimadii Maanta ayaa waxaa qarax miino oo ay ku dhinteen Afar qof oo Shacab ahaa waxaa uu ka dhacay wadada xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo Magaalada Jowhar, waxaana ka hadlay taliska Booliska Magaalada Jowhar.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar Bashiir Xasan Xalafooy ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay qaraxaas oo dhamaantood ahaa  kuwa saarnaa Mooto Bajaaj ku wajahneyd degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu taliyaha ku eedeeyay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay in aysan kala dhowreyn Shacab iyo dowlad intaba, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay hay’adaha Amniga la soo wadaagaan hadii ay arkaan falal lidi ku ah Amniga.

Wadada xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo Magaalada Jowhar ayaa ay tahay mid amnigeeda siweyn loo ilaaliyo, waxaana ku socdaala Madaxda Hir-Shabeelle markii ay garoonka kasoo degaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada