Nin Ciraaqi ah oo dilay gabar Soomaali ah oo xiriir Jaceyl ka diiday

Nin Ciraaqi ah oo dilay gabar Soomaali ah oo xiriir Jaceyl ka diiday

daajis.com:-Allah ha u naxariistee Gabadh Soomaali ah oo kamid aheyd Soomaalida ku nool magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa shalay lagu dilay magaaladaas.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn maqaaxi ay ka shaqeyn jirtay, waxaana dilkeeda lala xiriirinaya Nin Iraqi ah oo dhowr jeer xiriir Jaceyl usoo bandhigtay.

Maxamuud Cabdullaahi Bille oo kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Malaysia oo la hadlay VOA ayaa sheegay in gabadha la dilay ay inbadan ka cago-jiiday inay xiriir la sameyso ninkaas.

“Allaha u naxariiste Dahabo waxa dilay Nin ay ka wada-shaqeynayeen maqaaxida, gabadhaasna waxa uu ku dilay sida ay xogta hore ugu soo tabisay jaaliyada Soomaalida kadib markii ay xiriir ka diiday, dhowr jeerna wuu ugu hanjabay dilkeeda,” ayuu yiri.

Dilka gabadha ayaa lagu wargeliyay safaarada Soomaaliya ee Malaysia, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada la kulmeen Booliska gacanta ku haya kiiskeeda, kaas oo weli ay baaristiisa socoto.

“Safaarada waxay si dhow ula shaqeynaysa Jaaliyada iyo Booliska oo arintaan gacanta ku haya, waxaana marwalba u taaganahay in aan u khidmeyno oo dhibta Soomaalida ee Malaysia ku nool gacan ka geysano waxkasta oo ay u baahan yihiin,” ayey tiri Amaal Maxamed Saciid oo ah sii-hayaha safaarada Soomaaliya ee dalka Malaysia.


Allaha u naxariistee Dahabo ayaa la sheegay inay ku jirtay da’da labatameedyada, waxayna kamid aheyd dadka fara-ku-tiriska ah ee ka shaqeeya maqaaxiyaha, ugu dambeyntiina sababtay gacanta ninka ay xiriirka ka diiday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada