Fiqi oo si cajiib ah uga hadlay bah-dilka lagu sameeyey Muudey iyo Cali Yare

Fiqi oo si cajiib ah uga hadlay bah-dilka lagu sameeyey Muudey iyo Cali Yare

daajis.com:- Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay isku-deygii shalay iyo maanta lagu hor istaagay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee gobolka Banaadir oo ka dhoofayay garoonka Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo rabay inay u kala safraan Baraawe iyo Guriceel ayaa loo diiday inay ka duulaan garoonka Aadan Cade, si aysan u doonan kuraas kamid ah Golaha Shacabka, oo ay isku taagi lahaayeen.

Fiqi ayaa ayaan-darro weyn iyo xad-gudub ka dhan ah dowladnimada ku tilmaamay in garoonka Muqdisho uu isku bedeley isbaaro u taalla madaxda dawlad goboleedyada qaarkood, ayna ka celinayaan qofkii ay rabaan.

“Muudey, Cali Yare iyo kuwo kale oo u alalaasayey sanado ka hor kuwii celinayey madaxdii hore ee dalka in maanta ayagii ay ku timid ma ahan wax lagu farxo waayo labada mar waa xadgudub waxa la sameeyey, ilamana haboona in lagu farxo sharcidarro iyo xadgudub qof lagula kacay si kasta oo aad u kala aragti duwan tihiin!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sheegay in wadada kaliya ee furan ay tahay in aan loo kala harin sidii la isku dhaafsiin lahaa kooxda Farmaajo, oo caadeystay xad-gudubyada aan loo meel-dayin, kuwaasi oo qaar kamid ah ciqaabtooda marayaan kuwo kamid ah xulafada.

“Dhacdadani waxay waxbari doonta kuwa nacamlayn baradka ah mar haddii kuwii waaweynaa sidaas loo galayo in aan ayaga loo daahayn mar haddii ninkii golaha shacabka u afduubay Farmaajo iyo midka banaanbaxyada barakacayaasha iyo aflagaadaynta u qaabilsanaa lagu bahdilay garoonka Muqdisho, ma jiro qof ka badbaadaya xadgudubkaas si kasta oo loogu kala dhowaada Farmaajo!.”


Arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada