Cumar C/rashiid “Dad aan laheyn dhabar mas’uuliyad lagu qaado ayuu waddanka u gacan galay oo halkan na dhigay”

Cumar C/rashiid “Dad aan laheyn dhabar mas’uuliyad lagu qaado ayuu waddanka u gacan galay oo halkan na dhigay”

daajis.com:- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee wadanka uu wajahayo, xili lagu daahay waqtiga kala guurka, walina aysan soo dhamaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Ina Sharmaake oo kamid ahaa xildhibaanadiii Aqalka sare ayaa sheegay in mas’uuliyadda Dalka ay u gacan-gashay Dad aan mudneyn oo aan ka saari Karin xaaladda Cakiran iyo caqabadaha Siyaasadeed ee jira balse ka fiirsanaya oo kaliya Danooda Gaarka ah loona baahan yahay in la badbaadiyo waddanka.

“Dad aan lahayn dhabar mas’uuliyad lagu qaado ayuu waddanka u gacan galay oo meesha aynu taaganahay ayay na gaarsiiyeen, waa in shaqsiga uu yaqaanaa Cidda berri aad hiilada uga baahan tahay, Khibraddu wax sahlan ma aha” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Sharma’arke

Cumar Cabdirashiid oo laba jeer soo noqday ra’iisul wasaare ayaa tilmaanay in sababaha fashilka doorashada ay sal u tahay wada shaqeyn la’aanta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo aan cadeyn xiligan oo 2022 lagu jiro waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

“Meeshaan sideedaba nacamleyn, qof iyo hooskiisa Dowladnimo kuma dhisanto, Madaxweynihii ku fakiraa in uu keensado Ra’iisul Wasaare ka hooseeya waa Madaxweyne ku talagalay in uusan meel gaarin Dalkaan, Ra’iisul Wasaaraha waa in uu yahay qof Energy iyo Khibrad haya oo Leh awood maamul” ayuu Hanoolaato u sheegay CCC Sharma’arke.


Ilaa iyo haatan waxaa dhiman ku dhowaad 55 mudane oo aqalka hoose ah, iyadoo 5 cisho oo kaliya ay ka harsan tahay waqtigii u danbeeyay ee golaha wada-tashiga qaran ay u qabteen in lagu soo gabagabeeyo doorashada, tiiyoo la ogyahay in gudigii uu ra’iisul wasaare Rooble magacaabay loo diidan yahay iney tagaan Garbahaareey oo 16 kursi taalo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada