Danjire Andre: Mareykanka waxaa ka go'an taageeridda dib usoo noolaynta Soomaaliya

Danjire Andre: Mareykanka waxaa ka go'an taageeridda dib usoo noolaynta Soomaaliya

daajis.com:- Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah.

Safiirka ayaa u sheegay idaacadda VOA in Maraykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka gargaara dhinacyada bani’aadminnimada, amniga iyo horumarinta.

Danjire Larry André waxaa kale oo uu idaacadda VOA u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay taageerista xorriyadda saxaafadda guud ahana caalamka. Waxa uu sheegay in suxufiyiinta oo la siiyo tababar, iyo in la difaaco xuquuqda hadalka ee Soomaaliya inay ka mid tahay waxyaabaha safka hore ku jira ee ay mudnaanta siinayaan.

Danjiraha ayaa 7-dii bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay waraaqihiisa dnajirennimo u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward André, Jr. uu noqdo safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.


Madaxweyne Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah ruug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay diblomaasiyadda. André ayaa hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay Noofembar 2017 illaa Jannaayo 2021, isaga oo 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada