Diyaarad uu Ruushka leeyahay oo lasoo riday iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine

Diyaarad uu Ruushka leeyahay oo lasoo riday iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine

daajis.com:- Duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 10-aad, magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Ukraine waxaa ka socdaa duqeymo iyo gantaallo lagu garaacayo halkaas.

Wararka waxay sheegayaan in meelaha qaar uu kasoo socdo dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Ruushka iyo Ukraine waxay ku heshiyeen xabad joojin kumeel gaar ah oo looga dhawaaqay magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha.

Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Ukraine ayaa muujinayaa diyaarad uu leeyahay Ruushka uu ku dhacay dagaal gudaha Ukraine.

Dhanka kale  tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine , arrinta si weyn loo falanqeynayay ayaa ah in aan laisku babac dhigi karin ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka maadama Ruushka uu heysto ciidamo aad u tiro badan marka loo barbardhigo kuwa Ukraine.

Wasiirka gaashaandhigga Ukraine Oleskii Reznikov ayaa sheegay in ka badan 66,000 qof oo u dhashay Ukraine oo ku sugnaa dalalka dibadda inay dib ugu soo laabteen dalka si ay u difaacaan Ukraine.


Waxaana dadkaas kamid ah Yuriy Vernydub oo ah macalinka kooxda Sheriff Tiraspol ee ka dhisan dalka Molodova, kooxdaas oo ka badisay kooxda Real Madrid ciyaarihii ugu dambeeyay ee horyaalka Yurub.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada