Doorashada kursiga Ubax Tahliil oo sabab yaab leh loo hakiyey iyo xiisad ka taagan Gaalkacyo

Doorashada kursiga Ubax Tahliil oo sabab yaab leh loo hakiyey iyo xiisad ka taagan Gaalkacyo

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dib loo dhigay doorashada kursiga HOPP#60, kaas oo ay ku fadhisay Ubax Tahliil Warsame oo afartii sano ee lasoo dhaafay daacad u aheyd madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada kursigaan oo maanta lagu ballansanaa ayaa illaa hadda hakad ku jirta kadib markii ay Ubax diiday inay soo gasho hoolka ay ka dhici rabtay doorashada.

Ubax ayaa ku doodeysa in ergadii wax dooran laheyd meel gaar ah lagu xirtay isla markaasna aysan doorashada aheyn mid daahfuran oo lagu tartami karo.

Waxaa fashilmay dadaalo lagu doonayey in Ubax lagu qanciyo inay doorashada kasoo qeybgasho, waxayna ku adkeysatay inaysan kasoo qeybgeli doonin taasoo keentay in dib loo dhigo. Hoolka ayaa hadda waxaa ku sugan ergadii wax dooran laheyd iyo 4 kamid ah musharixiinta u taagan kursigaan.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wada qorshaha la doonayo in Ubax lagu dhaafiyo kursigaan, waxaana uga wakiil ah Liibaan Shuluq oo kamid ah guddiga doorashada heer Federaal.

Liibaan Shuluq oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa inuu meel gaar ah ku xirtay ergadii kursigaan, wuxuuna sidoo kale ciidamo badan soo dhoobay aagga ay ka dhici rabtay doorashada.

Hoolka ay ka dhici laheyd doorashada ayaa waxaa soo xaadiray 4 musharax oo kamid ah musharixiinta u taagan kursigaan, waxayna afartaan musharax oo dhammaantood ah Dumar ku heshiiyeen in kursiga la dhaafiyo Ubax taasoo niyad jab weyn ku noqotay Ubax Tahliil.

Guddiga doorashada Galmudug oo markii hore doonayey in kursigaan loo xiro Ubax Tahliil ayaa hanjabaad kala kulmay qaar ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug oo heyb ahaan kasoo jeedo Beesha kursiga iska leh kuwaas oo ku hanjabay inay weerari doonaan hoolka doorashada haddii la isku dayo in Ubax loo xiro kursigaan.


Hanjabaadaas ayaa keentay in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu tago Magaalada Gaalkacyo kaasoo ugu dambeyn go’aamiyey in Kuraasta Beesha dagto Gaalkacyo aan loo xiri karin shaqsiyaad gaar ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada