Ciidamada Ukraine oo gacanta ku dhigay Krasno Yartsev, isagoo dhaawac ah (Sawirro)

Ciidamada Ukraine oo gacanta ku dhigay Krasno Yartsev, isagoo dhaawac ah (Sawirro)

daajis.com:- Ciidamada Ukraine ayaa qabtay duuliye Ruush ah oo horay uga qayb galay duqeymihii ka dhacay Suuriya. Bashaar al-asad ayaa gudoonsiiyey Bilad iyo hadiyado maadaama isagoo difaacaya xukunkiisa uu  xasuuqay shacabka Suuriya.

Duuliyahan waxaa  lagu magacaabaa Krasno Yartsev ayaa la qabtay kaddib markii la soo riday diyaaraddii uu ku duqeeynaayey Dalkaasi Ukraine.

Dhawaan ayay ciidanka Ukraine dileen Janan sare oo Raashiya u dhashay,  kaasoo horey uga howlgalayey Siiriya.

Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine ayaa shaacisay warbixinteeda maalinlaha ee ku saabsan dagaalka Ukraine, waxayna sheegtay iney burburisay 88 kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka.


“Waxaana gacanta ku dhignay tiro kamid ah duuliyeyaasha Ruushka. Militeriga Ukraine waxay difaacayaan magaalada dekedda leh ee Mariupol. Waxaan Ruushka ka qabsanay qalab badan. Ciidamada Ruushka waxaa niyad jab ku riday sida awood leh ay isaga caabinayaan ciidamada Ukraine” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada