Ciidamada amaanka oo howlgal ka wada magaalada Baardheere kadib qarax ka dhacay.

Ciidamada amaanka oo howlgal ka wada magaalada Baardheere kadib qarax ka dhacay.

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay xalay ilaa saaka ka wadaan howlgal balaaran xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada, iyadoo howlgalkan lagu soo qabtay dhalinyaro badan.

Howlgalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii xalay magaalada uu ka dhacay qarax Miino, taasoo lala eegtay gudoomiyaha degmada Baardheere, lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo gudoomiyaha iyo ilaaladiisa ka soo gaaray weerarakan.

Saraakiisha horboodeysa baaritaanadan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro badan kuwaasoo la isugu geeyay saldhigga dhexe ee magaalada, waxaana ay sheegen iney soo deyn doonaan dadka aan wax luga ku leheyn falalka amni daro ee ka dhaca magaalada.

Amniga guud ee magaalada Baardheere ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo habeenadii la soo dhaafay ay xaaladu eheyd mid degan, balse jugta qarixii xalay ayaa mar kaliya bedelay jawigii magaalada, waxeyna dhalinyarada oo xiligaa caweyneysay ay ku qasbanaadeen in xili hore ay aqaladooda isaga xaroodaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada