Safiirka Qatar;”Soomaliya waxaan ku taageernay .68 gaadiidka gaashaaman”

Safiirka Qatar;”Soomaliya waxaan ku taageernay .68 gaadiidka gaashaaman”

daajis.com:- Safiirka dowladda Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho Xasan Bin Xamza ayaa sheegay in xiriirka adag uu ka dhaxeeya dowladda Qatar iyo Soomaaliya waxana uu qirtey danjiraha in taageero ciidan ay siiso dowladiisu Soomaaliya.

Danjiraha oo u warramayay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA, ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Qatar uu qeyb ka qaadan doono sii xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.

“Qatar waxa ay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan oo ay ka mid tahay maalgelinta waddooyinka isku xira caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar, mashaariicdan waxa ay faa’iido u yeelan doonaan guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto goobaha wax soo saarka leh iyo suuqyada caasimadda.”ayuu yiri safiirka Qadar ee Soomaaliya sida ay daabacday Gulf Times.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Qatar ay wakiil ka tahay Sanduuqa Horumarinta Qatar ay sidoo kale dib u dayactir iyo dib u dhis ku sameysay xarumo dowladeed oo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xarunta dowladda hoose ee Muqdisho iyo machadka dublamaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyadoo ay u dheer tahay 68 gaadiidka gaashaaman oo ay ka heleen dowladda Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar in ay taageerto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dagaal kula jira argagixisada.

Danjire Hashem ayaa sheegay in dagaallada iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee ka jira Soomaaliya ay dalka ka dhigeen mid u baahan gurmad iyo kaalmo bini’aadantinimo, isagoo tilmaamay in hay’adaha iyo ururada samafalka Qatar ay ka qeybqaataan gurmadka bini’aadantinimo, halkaasoo ay ka hirgeliyeen xafiisyada Hay’adda Bisha Cas ee Qatar iyo Hay’adda Qatar Charity. Mashaariic ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, gurmadka fatahaadaha iyo abaaraha dalka ku habsaday xilliyada qaar.

Safiirka oo ka jawaabayey su’aal la xiriirta heshiisyadii ay kala saxiixdeen Qatar iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qaabkii horumarinta xiriirka labada dal ay u kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan heshiisyo dhanka waxbarashada ah. maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuurta laba jibaaran, la tashi siyaasadeed, iyo qaybta duulista rayidka ah.


Dhanka Mashaariicda ugu caansan Dowladda Qatar ee hadda laga fulinayo Soomaaliya, Safiirka ayaa sheegay in dhanka horumarinta ay Sanduuqa Horumarinta Qatar ku howlan yihiin dhameystirka Mashruuca Wadada isku xirta Caasimadda Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo dhererkeedu dhan yahay 90km.

Danjire Hashem ayaa ku nuux nuuxsaday in madaxda labada dal ay ka dhaxeyso xiriir iyo wada shaqeyn heer sare ah, isagoo tilmaamay in Qatar ay door muhiim ah ka ciyaartay xakameynta xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, dhexdhexaadintii ay garwadeenka ka aheyd Qatarna lagu guuleystay. dib u soo celinta xiriirka Muqdisho iyo Nairobi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada