Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey guusha Qaali Shire iyo guuldarrada Ubax Tahliil

Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey guusha Qaali Shire iyo guuldarrada Ubax Tahliil

daajis.com:-Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa ka falceliyey guushii taariikhiiga aheyd ee xalay ay gaartay Qaali Cali Shire oo tartankii kursiga HOP#60 kaga adkaatay xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ku fadhisay 9-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ubax Tahliil Warsame waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ka mid aheyd xildhibaanada sida aadka ah u cabsan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee, taageeradaas ayey xalay ku weysay kursigaas, ayada oo ergadii codeysay ay u muujiyeen in qof waxqabadkiisa kaliya uu ahaa inay u guulwadeyso Farmaajo aanay dib u dooraneyn, ayada oo Farmaajo-na uu waxba u qaban waayey.



Haddaba waa kuwan xubnihii ka hadlay guusha Qaali iyo wixii ay ka yiraahdeen.

Cabdiraxmaan Caynte: Bismillah, Caawa kahor ma dhicin doorasho Golaha Shacabka ah oo mudan in la bogaadiyo. Waana sababta aan si diirran ugu hambalyeynayo walaasheey Qaali Cali Shire.

Qaali waxay baarlamaanka lasoo dhex fariisan doontaa kuwa kuraastoodu dhiig ka da’aayo, kuwa sumcad xumo iyo ihaano la muruxsan oo aysan is-bariidin reeraha ay matalaan iyo kuwa bullaacad kusoo qubeystay oo ay soo karaamo tireen madaxda dowlad goboleedyada. 

Intaas ka sokow, doorashada Xildhibaan Qaali waxay meesha ka saareysaa beenta faaftay ee ah in doorasho dadban aysan xor iyo xalaal noqon karin. 

Maadaama ay guusha Qaali astaan u noqotay doorasho xor iyo xalaal ah, codkeeduna waxaan rajeynaa inuu jiheeye u noqdo natiijada doorashada oo dhan InshaAllah. 

Wabillahi Towfiiq.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Hambalyo xildhibaan Qaali Cali Shire. Guushaada waxay kuwa kale kaga duwan tahay in aad ka soo baxday tartan loolankiisu adkaa iyo in aad isbeddelka astaan u ahayd. Waxaa kuu dheer halgankii adkaa ee aad soo gashay, kalsoonidii aad ku wajahday caqabadihii iyo culaysyada lagu hordhigay iyo awoodihii kaa soo horjeeday intaba. Holiyaa ayaa guusha hela ee Hambalyo mar kale.

Senator Ilyaas Cali Xasan: Hambalyo Qali Ali Shire, doorasho xur iyo xalaal ah oo caafimaad leh waataasaa. Nabad iyo Nolol iyo kuwa kuraasta uboobaayo waa ogyihiin in sidaan iyo kadaran kudhaceyso hadii ay Doorashadu noqoto mid daah furan!

Nin walba hadii zuugiisa lasoo baxo doorashadu sidaanbey xamaasad uyeelan laheyd oona uqurxoonaan laheyd!






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada