Iran oo weerar gantaallo ah ku qaaday xarun ay leedahay Israel

Iran oo weerar gantaallo ah ku qaaday xarun ay leedahay Israel

daajis.com:- Ilaada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay gantaalo ku beegsadeen “xarun istaraatiiji ah” oo Israel ay ku leedahay Iraq kadib markii mas’uuliyiinta Kurdish-ka ay ku warrameen weerar gantaallo oo ka yimid xuduudda.

“Xarun istaraatiiji ah oo loogu talo-galay shirqoollada iyo xumaanta Sahyuuniyadda ayaa waxaa gantaallo la hagayey oo xooggan ku beegsaday Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay Sepah News, oo ah website-ka rasmiga ah ee Ilaalada.

Goor sii horeysay, ciidamada ammaanka gobolka Kurdistan ee Iraq ayaa sheegay in “toban gantaal oo ballistic” ah lagu beegsaday magaalada waqooyi ee Arbil, oo ay ku jiraan xarumo Mareykan, kuwaas oo sababay waxyeello, balse aan gaysan khasaare xooggan.

Weerarkn oo saaka aroortii horey ka dhacay magaalada Arbil ayaa yimid toddobaad kadib markii laba sarkaal oo ka mid ah Ilaalada Kacaanka lagu dilay weerar loo tiriyey Israel oo ka dhacay Syria.

Iraq, oo uu ka mid yahay gobolka Kurdistan, ayaa xarun u ah ciidamada Mareykanka ee hoggaamiyey isbaheysigii la dagaalamay kooxda Daacish. Mareykanka ayaa xulufo weyn la ah Israel.

Ilaalada Kacaanka ayaa Talaadadii ka digay in Israel “ay bixin doonto qiimaha dambiga ay gashay.”

Bayaanka ay maanta soo saareen Ilaalada ayaa lagu yir “Waxaan mar kale maamulka dambiilaha ah ee Sahyuuniyadda uga digeynaa in waxyeelo kasta oo lagu celiyo ay wajihi doonto jawaabo adag, xanuun badan oo burbur leh.”


“Waxaan sidoo kale u xaqiijineynaa qaranka Iran in ammaanka iyo nabadda dalka uu khad cas u yahay ciidamada hubeysan ee Iran, oo aysan u ogolaan doonin in cidna ay halis geliso ama weerarto.”

Washington ayaa inta badan weerarada gantaallada iyo Drone-ka ee l la beegsado danaheeda Iraq ku eedeysa kooxha Iran ee taageerto ee dalbanaya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq.

AFP + VOA






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada