Koofur Galbeed iyo Galmudug oo beri soo dhameystiraya xildhibaanada ku harsan.

Koofur Galbeed iyo Galmudug oo beri soo dhameystiraya xildhibaanada ku harsan.

daajis.com:- Guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa maalinimada beri oo talaada ah waxa ay soo dhameystirayaan xildhibaanada ku harsan ee kamid noqonaya golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sida qorshuhu yahay, Baydhabo waxaa beri lagu dooranayaa 7 kursi, kuwaasoo kala ah HOP# 204 HOP# 197,HOP#179, HOP#172,HOP# 164 iyo HOP# 047, halka Galmudug beri magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorahsadeeda labaad lagu qabanayo doorashada kuraasta HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020.

Hadii doorashooyinkan ay qabsoomaan waxey ka dhigan tahay in maamulada Galmduug iyo Koofur Galbeed ay noqdaan maamul goboleedyadii ugu horeeyay ee soo dhameytira dhamaan xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo kuraas ay ku harsan yihiin Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle.


Beri oo taariikhdu tahay 15-ka Maarso waa xiligii u dnabeeyay ee golaha wada tashiga qaran ay qabsadeen in lagu soo gunaanudo guud ahaan doorashada golaha shacabka oo dhowr jeer dib uga dhacday waqtigeeda, iyadoo beesha caalamkana ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada