Taliyaha ciidanka Asluubta oo qaatay shahaadada musharaxnimo ee kursiga HOP172

Taliyaha ciidanka Asluubta oo qaatay shahaadada musharaxnimo ee kursiga HOP172

daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan (Taliye Shub) ayaa qaatay shahaadada Musharaxnimo ee kursiga #HOP172, isagoo ka mid noqonaya musharaxiinta ugu dambeysay ee tartanka doorashada Golaha Shacabka.

Qaadashada shahaadada musharaxnimo ee Gen Mahad ayaa waxaa ay meesha ka saareysaa isku daygii Villa Somalia ku dooneysay in kursigaas uu qaato Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, si uu Guddoomiye Baarlamaan u qaato.

Laftagareen ayaa ugu dambeyn diiday inuu ka tanaasulo xilka madaxweynenimo ee uu hayo uuna u tartamo guddoomiyaha baarlamaanka.

Hase yeeshee mas’uuliyiin badan oo isugu jira wasiiro,xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsanaa maamulka Koofurgalbeed ayaa ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka.


General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Shubka ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyay ee xil ka haya ciidamada dalka ee ka mid noqonaya golaha shacabka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada