Dowladda oo sheegtay in la qabtay rag Al-Shabaab u qaabilsanaa Sameynta qaraxyada

Dowladda oo sheegtay in la qabtay rag Al-Shabaab u qaabilsanaa Sameynta qaraxyada

daajis.com:- Howlgal ay kas ameeyeen degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor, gaar ahaan ururka 7-aad ee guutada 18-aad, ayaa la sheegay inay  gacanta ku soo dhigeen Saddex dhalinyaro ah oo Al-Shabaab u qaabilsanaa farsameynta qaraxyada, uruurinta waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka iyo xuuraanka xogaha sirdoonka,.

Saraakiisha Ciidamada Gorgor ayaa soo badnhigay Saddexda xubnood lagu kala magacaabo  Cabdifataax Maxamed oo Al-Shabaab  u qaabilsanaa sameynta qaraxyada, Cusmaan Cumar oo qaabilsanaa dhanka sahanka iyo Aadan Macalin Siraaji oo u uruuri jiray  waxaa ay ugu yeeraan ‘Zakawaadka’.

Saraakiisha GorGor waxay Warbaahinta dolwadda  u xaqiijiyeen in xubnahaan lasoo qabtay iyagoo ku dhuumaaleysanaya gudaha iyo deegaano kale oo u dhow Bariire.


Soo qabashada raga la sheegay inay katirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay Ciidanka Gorgor ka fuliyeen degaano kale oo katirsan Gobolkaas.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada