Taliyaha ciidanka asluubta oo loo doortay xildhibaan golaha shacabka ah.

Taliyaha ciidanka asluubta oo loo doortay xildhibaan golaha shacabka ah.

daajis.com:- Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad kadib doorasho goordhow ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Jeneraal Mahad ayaa ku soo baxay doorashada kursiga sumadiisu tahay  HOP#172, iyadoo booskan uu hore ugu fadhiyay Cali Caddow Maxamed.

Majirin tartan adag oo uu galay taliyaha ciidanka asluubta oo loo yaqaano taliye Shub, maadaama kursiga loo xiray, taliyaha sidoo kale waa Sodoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay guushiisa doorashada.

Kursigan waxaa jirtay hadal heyn ku aadan inuu doonayo inuu qaato madaxweyne Lafta-Gareen, si uu isugu sharaxo xilka gudoomiyaha baarlamaanka soo socda, balse damacaasi ayaa iska soo afjarmay markii laga war helay inuu u sharaxan yahay Jeneraalka.


Taliye Mahad C/raxmaan ayaa ku biiraya liiska saraakiil ciidan oo hore u soo qaadatay kuraas xildhibaan oo ay kamid yihiin; Saadaq Joon, Bashiir Ameeriko, Fahad Yaasiin, Yaasiin Fareey, Kulane Jiis iyo Jacfar, Iyadoo Jeneraal Mahad uu nqoday sarkaal ugu sareeya ee xil haatan haya ee xildhibaan noqda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada