Ciidamo Kenyan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Wajeer.

Ciidamo Kenyan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Wajeer.

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay gaari nooca xamuulka qaada oo sahay ciidan kasoo qaaday deegaanka Weel-caday ee gobalka Wajeer, kuna sii jeeday tuulada Girileey ee dhacda duleedka degmada Ceelwaaq.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala eegtay ciidamo Kenyan ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo uu bur buray gaariga la beegaaday.

Saraakiisha ciidamada Kenyan ayaa sheegay in qaraxa kadib ay safarkooda iska sii wateen, iyagoo qiray inuu jiro khasaare lixaad leh, walow ay ka gaabsadeen iney bixiyaan faah faahinta xadiga khasaaraha.

Kioxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa tilmaamtay in 11 kamid ah askarta Kenyanka ah ay ku dileen weerarka, majirto ilo ka madax banaan sheegashada kooxdan oo xaqiijin kara khasaaraha.


Ciidamada Kenya oo inta badan isticmaala wadadan ayaa mararka qaar la kulma weeraro isugu jira qaraxyo iyo dagaal toos ah oo kaga yimaada dhanka Shanaab, waxaana dhacda in weeraradan ay khasaare ka soo gaarto dadka shacabka ee reer miyiga u badan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada