Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay in qofna loo xireyn kuraasta taala Beledweyn.

Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay in qofna loo xireyn kuraasta taala Beledweyn.

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay magaalada Beledweyn kula kulmay kudhowaad 50 musharax oo u taagan 11 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo xarunta gobolka Hiiraan.

Guudlaawe waxaa kulankan ku wehlinayay kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed, iyadoo warbixino laga dhageystay musharixiinta qaar oo qabay walaac ku aadan in kuraasta xildhibaanimo shaqsiyaad gooni ah loo xiray, taasoo ay ka muujinayeen wal wal ku aadan cawaaqibka ka dhalan karo.

Sida wararku sheegayaan, Waxaa la isku afgartay in tartanka loo galayo kuraastaas si daah furan loo qabanayo, xiisada magaalada la dejiyo oo maalmihii u dambeeyay Ciidamo iyo hub fara badan ay hareeyeen, lagana dulqaado ciidanka iyo hubka lagu heysto Xerada Lama Galaay iyo agagaarkeeda.


Xubnaha taabacsan Villa Somaliya ayaa isku dayaya in musharixiin gaar ah ay wataan u xiraan tartanka, lagana hor-istaago xildhibaanadii hore kuraastan ugu fadhiyay oo kamid ahaa xubnihii ugu saameynta badnaaa xildhibaanadii mucaaradka ku ahaa madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada