Ruushka oo ku isticmaalay Gantaalada codkooda ka dheereeya weerarka Ukraine

Ruushka oo ku isticmaalay Gantaalada codkooda ka dheereeya weerarka Ukraine

daajis.com:- Ruushka ayaa u adeegsaday gantaaladiisa cusub ee codkooda ka dheereeye ee Kinzhal markii ugu horeysay gudaha Ukraine Jimcihii si uu u burburiyo goob lagu keydiyo hubka oo ku taal galbeedka dalka.

Moscow waligeed ma qiran in ay u isticmaashay hubka saxda ah ee dagaalka, wakaalada wararka ee dawladda ee RIA Novosti ayaa sheegtay in ay ahayd markii ugu horaysay ee la isticmaalo hubka hypersonic Kinzhal intii lagu jiray iskahorimaadka Ukraine.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu kala hadli doono tillaabooyinka Shiinaha uu kula jaanqaadi doono Ruushka marka uu u safro Yurub toddobaadka soo socda.

Madaxweyne Biden ayaa u sheegay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping in ay dowlada Shiinaha ay la kulmi doonto cawaaqib xun haddii Beijing ay taageerto hawlgallada milatari ee Ruushku ka wado wadanka Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa khudbad muuqaal ah u jeediya dadka reer Ukraine isagoo ugu baaqay xukuumada Moscow wada hadal.

“Waxaan rabaa in qof walba i maqlo hadda, gaar ahaan Moscow. Waxaa la gaaray waqtigii kulanka, waa waqtigii la wada hadli lahaa,” ayuu ku yiri Madaxweynaha Ukaraine.

“Waxaa la gaaray waqtigii dib loo soo celin lahaa sharafta dhuleed iyo caddaaladda Ukraine. Haddii kale, khasaaraha Ruushku wuxuu noqon doonaa mid kugu qaadan doona jiilal badan inaad ka soo kabsato. ”


Zelenskyy ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay si ula kac ah u xanibeen sahayda bini’aadantinimo ee la gaarsiin lahaa magaalooyinka la weeraray.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada