Ruushka oo sheegtay in magaaladii ugu horeysay ay ku qabsadeen dagaalka Ukraine

Ruushka oo sheegtay in magaaladii ugu horeysay ay ku qabsadeen dagaalka Ukraine

daajis.com:- Muddo hal todobaad ah kaddib marki uu billaabay duullaanka uu uu ku qaaday Ukraine, ayuu Ruushka Arbacada maanta ah sheegay in ciidankiisu qabsadeen magaaladi ugu horreysay oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah.

Magaalada Kherson oo ah magaalo ay ku noolyihiin rubuc malyuun qof ayay Ruushku sheegteen in ay maanta gacanta ku dhigeen. Magaaladaan ayaa inyar xagga waqooyi ka jirta gobolka Crimea ee ay horay Ruushku uga qabsadeen Ukraine, sannadki 2014-kii.

Hase yeeshee, duqa magaalada Kherson ayaa beeniyay sheegashada Ruushka, islamarkaana sheeegay in magaaladu ay wali tahay magaalo Ukraine.

Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen islamarkaana uu halkaasi dagaal culus hadda ka ka socdo.

Sidoo kale duqeynta dhinaca cirka ayaa wali ku socota magaaldaasi istaraatiijiga ah. Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in duqeynta ay 24-ki saac ku dhinteen in ka badan 21-qof.

Magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine ayaa xalay daganeyd, mana jirin wax duqeyn ah oo ay dadku maqleen, sida ay xaqiijiyeen wariyaasha halkaasi kasoo warramaya.


Madaxwenaha Ukraine Zelensky, ayaa isna maanta sheegtay in lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ciidamada Ruushka ka dileen 5840 askari. Ma jirto war madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashadaas.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada