Doorashada lix kursi golaha shacabka ah oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Doorashada lix kursi golaha shacabka ah oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

daajis.com:- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada lix kursi oo kamid ah golaha shacabka ah, iyadoo guddiga doorashooyinka ay sheegeen in mudo gaaban ay ku soo gaba gabeynayaan kuraasta tirada yar ee haatan harsan.

Kursigii 1-aad oo sumadiisu eheyd Hop#253 waxaa ku guuleystay Aadan Maxamed Cali oo helay 70-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduqaadir Ibraahim Buule uu helay 21-cod, waxaana halaabay 1 Cod, kursigan waxaa hore uga fadhisay xildhibaan Samra Ibraahim Cumar.

Kursiga 2-aad oo sumadiisu eheyd Hop#178 waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cali , isagoo heley   70-cod halka musharaxii la tartamayey ee Bile Xasan Cabdi uu helay 25-cod laba cod ayaana halaabay, kursigan waxaa hore ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.

Kursiga 3-aad oo sumadiisu eheyd Hop#050 waxaa ku guuleystay Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc) kaas oo helay codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Ibraahim Aadan uu helay 14-cod 3 cod ayaana halaabay, kursigan waxaa hore ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

Kursiga 4-aad oo sumadiisu eheyd Hop#230 waxaa ku guuleystay Jaamac Taqal Cabaas, wuxuuna helay   77-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdi Cali Cumar u codeeyaay 23-cod, kurisgan waxaa hore ugu fadhiyay Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

Kursiga 5-aad oo sumadiisu eheyd Hop#183 waxaa ku guuleystay Muqtaar Maxamed Guuleed, isaga oo heley   83-cod halka musharaxii la tartamayey ee Xuseen Cali Aadan uu helay 16-cod hal cod ayaana halaabay, kursigan waxaa hore ugu fadhiyay Sandheere Maxamed Iftin.


Kursiga 6-aad oo sumadiisu eheyd Hop#275 waxaa ku guuleystay Ismaaciil Iidow Maxamed , isagoo heley 71-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdisitaar Xasan Cali uu helay 16-cod, waxaana halaabay Saddex Cod, kursigan waxaa hore ugu fadhiyay Sheekh Shaacir Maxamed Xasan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada