XOG XASAASI AH: Loolanka 2 kursi oo xubna DENI wato iyo go’aanka Islaan Bashiir!!

XOG XASAASI AH: Loolanka 2 kursi oo xubna DENI wato iyo go’aanka Islaan Bashiir!!

daajis.com:-Guddiga maamulka Doorashooyinka ee heer Puntland ayaa lagu wadaa inay 48 saac gudahood shaaciyaan jadwalka doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo ka harsan 37 kursi ee Puntland ku leedahay Golaha Shacabka, oo 31 kamid ah la doortay.

lixda kursi ayaa si gaar ah uga haray 21 kursi ee yaallay caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxtooyada Puntland ayaa horey ugu cadaadisay Guddiga SEIT ee Puntland in dib loo dhigo kuraastan oo doodo adag ay hareeyeen tartanka qaar kamid ah.

Warsidaha Puntlandtimes ayaa ogaaday in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu dadaal ugu jiro in lixdan kursi uu kusoo saaro dad uu wato, si lamid ah kuraastii horey doorashadoodu uga dhacday Garoowe iyo Boosaaso.

Kuraasta HOP#198 iyo HOP#199, oo kamid ah lixdan kursi, lagana leeyahay gobalka Mudug (Beesha Cumar Maxamuud), ayaa Siciid Deni kala kulmayaa cadaadis adag, maadama Isimka guud ee beesha Islaan Bashiir Islaan Cabdulle uu go’aamiyay in aan cidna loo xiri doonin kuraastan, ayna si daahfuran ugu tartamaan musharixiinta jifiyaha beesha.



Sarkaal kamid ah Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay P-TIMES, in Madaxweynuhu uu kala hadlay Guddiga SEIT in kursiga HOP#198 laga dhigo qoondo dumar, si ay ugu soo baxdo Wasiirka Haweenka Puntland Aamina Cismaan Xaaji. Sidoo kale kursiga HOP#199 ayuu doonayaa Madaxweyne Deni inuu kusoo baxo Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare). balse waxaa uu tartan adag kala kulmi doonaa musharixiin uu kamid ah yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda XFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Lama oga sida ay Siciid Cabdullaahi Deni oo ah musharrax Madaxweynaha DFS ugu suuragaleyso qorshaha uu ka leeyahay lixdan kursi, oo la filayo inay doorashadoodu dhacdo kahor 13 bishan maarso.






P-TIMES





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada