Xukuumada Somaliland oo ka hadashay Hubkii Shiinuhu siiyay Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay Hubkii Shiinuhu siiyay Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

daajis.com:- 

Somaliland ayaa war ka soo saartay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo Shiinaha ugu deeqday dowladda Soomaaliya, iyadooo agabkan shalay uu la wareegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Mohamed Ali Bille ayaa sheegay in talaabadan ay tahay daandaansi lagu carqaladeynayo xiriirka Somaliland, Taiwan & Maraykanka.

Waxa uu sidoo kale su’aal galiyay xiliga lagu soo beegay bixinta deeqdan oo uu sheegay iney tahay waqti uu madaxweynaha Somaliland socdaalmtodobaad qaatay uu ku joogo dalka Mareykanka, halkaasoo uu kulamo kala duwan ka wado.




“Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.” ayuu yiri Agaasimaha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada