Maraykanka oo uga digay Shiinaha in uu wajahi karo cunaqabatayn haddii uu Ruushka ku taageero dagaalka Ukraine

Maraykanka oo uga digay Shiinaha in uu wajahi karo cunaqabatayn haddii uu Ruushka ku taageero dagaalka Ukraine

daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping jimcihii 'cawaaqib xumo' haddii Beijing ay taageero agab ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyado labada dhinac ay ka wadahadleen baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Inkasta oo Aqalka Cad aanu faah-faahin waxa ay noqon karaan cawaaqi xumada uu Shiinu la kulmi karo, ama sida Mareykanka uu u qeyxi doono "taageerada agabka", ayaa xoghayaha warfaafinta Jen Psaki waxa ay tilmaanty in ganacsiga ballaaran ee Shiinaha ay saameyn ku yeelan karo.

Psaki waxay sheegtay in Maraykanku uu Beijing si toos ah ugala xiriiri doono cawaaqib xumo kasta, isag oo kashanaya saaxiibadiisa iyo dhiggooda Yurub, waxayna sheegtay in cunaqabateyntu tahay kaliya hal qeyb oo ka mid ah waxyaabaha u diyaarsan Mareykanka.

"Wuxuu u qeyxay saameynta iyo cawaaqibka ka dhalan kara haddii Shiinuhu uu taageero qalab siiyo Ruushka maadaama uu fulinayo weerarro naxariis darro ah oo ka dhan ah magaalooyinka Ukraine iyo dadka rayidka ah," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad, kaas oo raaciyay in Biden "hoosta ka xarriiqay inuu taageersan yahay in xiisaddan lagu xalliyo xal diblomaasiyadeed."




Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa kusoo beegmay xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya labada quwadood ee ugu waaweyn adduunka, iyada oo Biden uu tafaasiil ka bixiyey dedaallada Maraykanka iyo xulafadiisa ay kaga jawaabayaan duullaanka Ukraine.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada