Booliiska Federaalka & ATMIS oo iska kaashanaya sugida amniga goobaha lagu dooranayo Guddoonka BFS

Booliiska Federaalka & ATMIS oo iska kaashanaya sugida amniga goobaha lagu dooranayo Guddoonka BFS

daajis.com:- Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socotay howlgalka midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga doorashada gudoonka baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

Taliye Xijaar oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka ayaa saraakiisha uu la kulmay warbixin ka siiyay sida ciidamada Soomaalida ay isugu diyaariyeen sugida amniga goobaha doorashooyinka, isagoo sidoo kale u sharaxay doorka arrintan looga baahan yahay ciodamada ATMIS.

Saraakiisha howlgalka midowga Afrika ka socotay ayaa booliska Soomaaliya u balan qaaday iney kaalin fiican ka qaadan doonaan kala shaqeynta amniga, sidoo kalena ay diyaar u yihiin sidii ay u qalabeyn lahaayeen tababarana u siin lahaayeen ciidanka howshan sida gaarka ah loogu xushay.




Si kastaba, kulankii u horeeyay ee shalay wadajir u yeesheen labada gole waxaa lagu tuuray madaafiic, sidoo kale munaasabadii dhaarta xildhibaanada ee dhacday 14-kii bishan ayaa lagu tuuray tiro hoonlbiyeyaal ah, mana jirto wax talaaba ah ay laamaha amaanka dalka ka qaadeen arrimahaas, iyadoo cabsi ay la soo daristay xildhibaanada qaar ee golaha shacabka.

Weerarkii u danbeeyay ee shalay oo kooxda Shabaab ay sheegatay waxaa ku dhaawacmay inkabadan 10 ruux oo u badnaa shaqaalana baarlamaanka, dadka dhaawacmay waxaa sidoo kale ku jiray laba kamid ah ilaalada C/raxmaan C/shakuur Warsame.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada