Jaamacadda Muqdisho oo heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar

Jaamacadda Muqdisho oo heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar

daajis.com:- Jaamacadda Muqdisho ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar si sare loogu qaado iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Ujeedada heshiiska ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga cilmi-baarista, isdhaafsiga khibradaha iyo dhammaan dhinacyada cilmiga oo labada dhinac ay daneynayaan.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Qatar ee magaalada Dooxa ayaa waxaa dhinaca jaamacadda Muqdisho u saxiixay guddoomiyaha golaha sare Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi (Badiyow) halka dhinaca Jaamacadda Qatar uu u saxiixay guddoomiyaha Jamaacadda Dr, Hassan Al-daraham. Waxaa sidoo kale heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay guddoomiyhii hore ee jaamacadda Muqdisho ahna xubin ka tirsan golaha sare ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cali sheekh Axmed Abuubakar.

Sida ay qortay wakaalada wararka dalka qatar waxaa labada dhinac iska kaashan doonaan cilmibaarista, isdhaafsiga khubarada, ardayda iyo in si wadajir ah in labada jaamacadood u qabtaan shirar, doodo cilmiyeed iyo tababaro.


Jaamacadda Muqdisho oo ah jamacaddii ugu horeysay oo la dhisay burburkii kadib waxa ay ka mid tahay jaamacadaha dhifka ah ee kudaala tayada waxbarashada, waxa ayna heshiisyo iskaashi la leedahay jaamacado caalami ah iyo hey’ado waaweyn oo ka shaqeeya waxbarashada iyo cilmi baarista.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada