Ciidamada Ruushka 'oo qarka u saaran qabsashada' Mariupol

Ciidamada Ruushka 'oo qarka u saaran qabsashada' Mariupol

daajis.com:- Kadib laba bil oo ay go’doon ku jirtay, magaalada koonfureed ee Mariupol ayaa qarka u saaran inay “saacado gudahood” ugu gacan gasho Ruushka, waxaa sidaas Arbacada maanta ah sheegay sarkaal Ukrainian ah.

Qabsashada Mariupol iyo gobolka ay maamulaan gooni u goosatada ee Donbas ee bariga ayaa Moscow u ogolaanaya inay abuurto marin xiriiriya koonfurta Ukraine iyo jasiirad u yaala Crimea ee ay qabsatay 2014-kii, taasi oo Ukraine ay ku weyn doonto inta badan xeebaheeda.

Moscow ayaa u qabatay ciidamada Ukraine ee weli difaaca kaga jira Mariupol inay isa soo dhiibaan kahor 2:00pm xilliga Moscow ee Arbcada maanta ah.

Waxay sidoo kale ku dhowaaqday inay furtay marin bani’aadaminimo oo ay ku baxaan shacabka iyo ciidamada Ukraine ee hubka dhiga.

Ayada oo waqtigaas la qabtay uu soo dhowaanayo, ayaa taliye ku sugan warshadda biraha sameysa ee Azovstal wuxuu soo saaray codsi ku aadan in la caawiyo isaga oo yiri “waxaan ku jirnaa malamaheenii ugu dambeeyey haddiiba aanay aheyn sacaadaheenii ugu dambeeyey.”


“Cadowga aad ayey nooga badan yahay, oo halkeenii qofba waxa uu wajahayaa 10,” ayuu yiri Serhiy Volyna oo ka tirsan guudata 36-aad ee ciidamada Ukraine.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hoggaamiyayaasha caalamka inay na caawiyaan,” ayuu yiri.

Kumanaan qof oo isugu jira shacab iyo askar ayaa ku sugan gudaha warshadda.

La-taliyaha duqa magaalada Mariupol ayaa xaaladda ku qeexay “mid aad u xun,” wuxuuna sheegay in gudaha warshadda ay ku xaniban yihiin 2,000 oo qof oo badankood ah haween iyo caruur.

Qabsashada Mariupol ayaa noqon doonta guushii ugu weyneyd ee ciidamada Ruushka ay ka gaaraan dagaalka oo billowday 24-kii Febraayo, balse aan u dhici sidii ay qorsheynayeen iyo guulihii deg degta ahaa ee ay filayeen.

AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada