Jahwareer cusub oo kusoo kordhay doorashada 16-ka kursi ee ceel waaq loo asteeyey

Jahwareer cusub oo kusoo kordhay doorashada 16-ka kursi ee ceel waaq loo asteeyey

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in wafdi ka socda xubnaha Guddiga doorashada FEIT & xubin ka socday guddiga xalinta khilaafaadka ayaa gaaray degmada garbahaareey.

Garoonka garbahaareey ayaa waxa kusoo dhaweeyey wafdigaasi mas’uuliyiin katirsan maamulka degmada & kan gobolka Gedo waxaana ujeedkooda socodkooda daaran yahay doorashada 16-ka kursi sidii loogu qaban lahaa garbahaareey.

Waa jahwareer cusub oo la gelinayo doorashada gedo oo Guddiga FEIT ay hore ushaaciyeen in ceel waaq loo wareejiyey balse ay xaalada umuuqato in xafiiska Farmaajo arbushaad laga abuuray.

Xubnaha maanta gaaray garbahaareey ayaa ah kuwo mucaaradsan hanaanka Gudoomiye Muuse Geelle iyo saaxiibadiisa ay wax uwadaan iyadoo la ogeyn waxa isbadeli doona.

Dhinaca kale diyaaradaha rakaabka ayaa la sheegay in iska diideen in duulimaadyo ka sameeyaan ceel waaq arimo culeys ah oo la saaray awgeed.


Shirkadaha diyaaradaha oo markii hore shacabka uqaadi jiray ceel waaq ayaa waxay iska diideen in ay duulimaad ka sameeyaan halkaasi waana mid salka ku heyso in lagu cadaadinayo inaysan qaadi karin wafdiga guddiga FEIT iyo xubnaha Guddiga SEIT ee jubbaland oo doorasho doonayey in ceel waaq ku qabtaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada