Hindiya oo joojinaysa shidaalka Sacuudiga, una leexanaysa shidaalka jaban ee Ruushka

Hindiya oo joojinaysa shidaalka Sacuudiga, una leexanaysa shidaalka jaban ee Ruushka

daajis.com:- NEW DELHI — Ugu yaraan laba shirkadood oo Hindi ah ayaa qorsheynaya in ay Sucuudiga ka iibsadaan saliid ka yar intii ay caadiyan iibsan jireen, ka dib markii boqortooyada Sucuudigu ay sare u qaaday qiimaha iibka rasmiga ah ee shidaalkeeda.

Labo ilo wareed oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters maalinimadii Arbacada, ayaa arrintan u xaqiijiyey iyada oo dalka Hindiya uu haatan sare u qaadayo inuu saliid jaban ka soo iibsado dalka Ruushka.

Dalka Hindiya, oo ah dalka saddexaad ee ugu badan ee soo dhoofsada saliidda, ayaa waxaa aad u saameeyay kor u kaca qiimaha saliidda caydhiin, iyadoo qiimaha shidaalka ee gobollada qaarkood uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay.

Shirkadda Aramco ee dalka Sucuudiga oo ah shirkadda kaalinta ugu horreysa kaga jirta dhoofinta shidaalka, ayaa sare u qaadday saliidda ay u dhoofiso dalalka oo dhan, taas oo keentay in wadamada ku yaalla qaaradda Asia in qiimaha shidaalku uu haatan marayo meelihii ugu sarreeyey ee uu abid gaadho.

Shidaalka laga soo saaro bariga dhexe gaar ahaan Sucuudiga iyo Ciraaq, ayaa ah kan ugu badan ee dalka Hindiya uu soo dejisto ama isticmaalo. Iyada oo dalkani yahay dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn ee qaaradda Asia.

Ilaha ay wararka ka heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo, iyaga oo ku macneeyey in tallaabadani ay tahay mid sir ah ama aan la ogolayn inay debedda u baxdo.

Hindiya ayaa u doorbidaysa shidaalka Ruushka, iyada oo haysata ballanqaadyo la xidhiidha, inay hesho shidaal ka qiimo jaban kan ay hadda kala soo degto wadamada bariga dhexe.

Hase ahaatee dalal badan oo caalamka ah ayaa ka fogaaday iibsashada shidaalka Ruushka, tan iyo markii uu bilaabay duullaanka u uku qaaday dalka Ukraine.

Shirkadaha shidaalka sifeeya ee dalka Hindiya ayaa bishii March ka soo iibsaday dalka Ruushka, illaa 16 million oo foosto oo shidaal qiima jaban ah, taas oo u dhiganta isu-genta inta ay ka iibsadeen sannadkii 2021.


In kasta oo badeecadaha ay Ruushku ka soo iibsanayaan ay daboolayaan oo keliya qayb yar oo ka mid ah baahiyaha guud ee Hindiya, haddana tallaabadani waxay muhiim u tahay dalka Ruushka maadaama uu lumiyey suuqyo badan oo ku yaalla qaaradda Yurub.
Reuters






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada