Maxaa ka jira in ciidanka Ruushka hub kiiimiko ah u isticmaaleen dagaalka Ukraine?

Maxaa ka jira in ciidanka Ruushka hub kiiimiko ah u isticmaaleen dagaalka Ukraine?

daajis.com:- Maraykanka iyo Britain ayaa shaaciyay inay xaqiijinayaan warar sheegaya in ciidamada Ruushka ay hub kiimiko ah u isticmaaleen dagaalka magaalada Mariupol.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in weli aysan xaqiijin warkaas, balse ay si taxadar leh u qiimeynayaan xaaladda magaaladaas.

Dhinaca kale, Ukraine ayaa sheegtay inay baarayso kiisas dumar la tuhunsan yahay inay kufsadeen ciidamada Ruushka.

Waxaa socota diiwaangelinta kiisaskaas oo ka mid ah tacaddiyo noocyo badan oo lagula kacay dadka rayidka inta uu socday dagaalka Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa beenisay eedeymahaas loo jeediyay ciidamadeeda.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta gobolka Luhansk ee Bariga Ukraine ayaa ku warramaya in taangiyada Ruushka ay aaggaas ka billaabeen duullaan cusub. Saraakiil Reer Galbeed ah ayaa sheegay inay filayaan in Ruushka uu kordhin doono ciidamada ka jooga gobollada bari ee la isku yiraado Donbas.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada