Daawo:- Maxaadan Ogeyn oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Dalka?

Daawo:- Maxaadan Ogeyn oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Dalka?

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta goob joog ka noqday dhoolatus iyo bandhig cajiib ah ay soo bandhigeen ciidamada xoogga dalka oo maanta udabaal degayey xuska 12-ka April.

Ciidanka ayaa gaardis iyo dhoolatus heybad leh soo bandhigay taas oo lagu bogaadinayo hormarka laga gaaray dib udhiska ciidamada lagu sameeyey.

Inkastoo lagu dhaliilo Madaxweyne Farmaajo khaladaad badan uu dalka iyo dadka ka galay hadana waxaa la dafiri karin jiheynta iyo jaantuska muuqda uu ciidanka ku gaarsiiyey heer sare.

Xarunta wasaarada gaashaandhiga ee dalka ayaa waxaa amnigeeda aad loo adkeeyey inta xuska uu socday,jidad badan oo caasimada ah ayaana loo xiray oo dadka iyo gaadiidka laga mamnuucay inay isticmaalaan.

Munaasabadaasi waxaa ka maqnaa oo aan ka qeyb gelin Wasiirka difaaca dalka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Muqdisho kusugan sabab lagu sheegay in Xukuumada uu katirsan yahay iyo Xafiiska Villa Soomaaliya uu khilaaf ka dhex jiro.


Dadka arimaha ciidanka yaqaana waxay sheegeen in maanta oo kale ay khalad aheyd in la siyaasadeeyo arimaha ciidamada islamarkaana loo baahnaa in Xitaa R/wasaare Rooble uu xaadiro munaasabadaasi qaran.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada